Imisa ciyaaryahan ayeey ku leeyihiin kooxaha Real Madrid iyo Barcelona liiska xulka Spain uu ku dhawaaqay Tababare Robert Moreno?

(Spain) 04 Oct 2019. Tababaraha xulka qaranka Spain ee Robert Moreno ayaa maanta oo jimco ah ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee xiddigaha “La Roja” kuwaasoo ka qeyb galaya xilliga fasaxa ee kulamada caalamiga ah.

Liiskan ayaa waxaa ku soo baxay kaliya hal ciyaaryahan oo kooxda Barcelona ah iyo laba xiddig ka tirsan Real Madrid.

Xulka qaranka Spain ayaa wuxuu kula ciyaari doonaa xulalka Norway iyo Sweden isreeb-reebka koobka Euro 2020, 12-ka iyo 15-ka boshan Oktoobar siday u kala horreeyaan.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha xulka qaranka Spain uu ku dhawaaqay tababare Robert Moreno si ay kaga qeyb galaan labada kulan ee Norway iyo Sweden:

Goolhaayeyaasha: David de Gea, Pau López, Kepa.

Daafacyada: Dani Carvajal – Jesús Navas – Sergio Ramos – Diego Llorente – Reguilón – Raúl Albiol – Pablo Fornals – Juan Bernat – Iñigo Martínez.

Khadka dhexe: Rodrigo Hernandez – Dani Ceballos – Santi Cazorla – Sarabia – Sergio Busquets – Luis Alberto – Thiago Alcântara – Saúl Ñíguez – Fabián Ruiz.

Weerarka: Rodrigo Moreno – Gerard Moreno – Mikel Oyarzabal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close