RASMI: Liiska xiddigaha xulka qaranka England ee isreeb-reebka Euro 2020 oo la shaaciyey… (Dele Alli & Jesse Lingard oo laga tagay)

(England) 03 Okt 2019. Xiddigaha khadka dhexe ee Dele Alli iyo Jesse Lingard ayaa laga tagay oo ka maqan shaxda macallinka xulka qaranka England ee Gareth Southgate oo ku dhawaaqay xiddigaha uu kala qeyb galayo kulammada isreeb-reebka Euro 2020 oo ay la kala ciyaarayaan Czech Republic iyo Bulgaria.

Daafaca la yiraahdo Fikayo Tomori ayaa helay wicitaankiisii ugu horreeyey ee xulkiisa qaranka, halka xiddiga ay Chelsea ka wada tirsan yihiin ee Tammy Abraham sidoo kale loo yeeray.

Abraham ayaa shabaqa soo taabtay siddeed goor 10 kulan oo uu tartammada oo dhan u ciyaaray Chelsea xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda.

Daafaca garabka midig ee Manchester City ee Kyle Walker ayaa markale ka maqan shaxda xulka qaranka Saddexda Libaax.

Laacibka khadka dhexe ee Everton ee Fabian Delph ayaa dib loogu yeeray, halka xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Alex Oxlade-Chamberlain ayaa seegay shaxdan.

Daafaca garabka midig ee Manchester United, Aaron Wan-Bissaka ayaa sidoo kale aan shaxdan ku jirin.

Abraham oo 22-sano jir ah ayaa hadda iyo wixii ka dambeeya u ciyaari doona xulka qaranka England, iyadoo tani ay soo gabagabaynayso fursaddii uu ugu ciyaari lahaa xulka qaranka Nigeria.

Xulka qaranka England ayaa Czech Republic la ciyaari doona 11 bishan October halka ay Bulgaria la dheeli doonaan 14 ila bishan October.

Haddana halkaan hoose ka eeg shaxda xulka qaranka England ee maanta lagu dhawaaqay oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Tom Heaton (Aston Villa), Jordan Pickford (Everton), Nick Pope (Burnley)

Daafacyada: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ben Chilwell (Leicester), Joe Gomez (Liverpool), Michael Keane (Everton), Harry Maguire (Manchester United), Tyrone Mings (Aston Villa), Danny Rose (Tottenham), Fikayo Tomori (Chelsea), Kieran Trippier (Atletico Madrid)

Khadka dhexe: Ross Barkley (Chelsea), Fabian Delph (Everton), Jordan Henderson (Liverpool), James Maddison (Leicester), Mason Mount (Chelsea), Declan Rice (West Ham), Harry Winks (Tottenham)

Weerarka: Tammy Abraham (Chelsea), Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Manchester United), Jadon Sancho (Borussia Dortmund), Raheem Sterling (Manchester City), Callum Wilson (Bournemouth).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close