RASMI: Claudio Marchisio oo maanta ka fariistay ciyaarista kubadda cagta

(Yurub) 03 Okt 2019. Ciyaaryahankii weynaa ee Juventus, Claudio Marchisio ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isaga fariistay gabagi ahaanba ciyaaraha kubadda cagta isagoo jira da’da 33-sano.

Laacibka khadka dhexe ee reer Talyaani ayaa ku biiray Juve isagoo aad u da’yaraa waxaana uu kula guuleystay todobo horyaalka Talyaaniga ah kooxda ka dhisan Turin.

Waxa uu u ciyaaray ugu yaraan 400 oo kulan kooxda Juventus waxaana uu ka tagay sanadkii 2018-kii, isagoo ku biiray Naadiga Zenit St Petersburg, halkaasoo xilli ciyaareedkii hore uu ku qaatay dhaawacyo.

Marchisio ayaa 55 kulan u saftay xulkiisa qaranka Talyaaniga waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii gaaray Final-kii European Championship ee sanadkii 2012-kii.

Waxa uu Marchisio kulankiisii ugu horreeyey ee heer sare ah u ciyaaray naadiga Juve sanadkii 2006, waxaana uu amaah ugu ciyaaray Empoli.

Marchisio waxa uu la dhibtooday dhaawac halis ah oo jilibka ah sanadkii 2016-kii waxaana kaddib uu booska joogtada ah ka waayey kooxda Juve illaa uu u dhaqaaqay Zenit.

Waxaa kale oo la magacaabi karaa in Marchisio uu afar Italian Cup la qaaday iyo inuu labo goor gaasiiyey final-ka Champions League kooxda Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close