Kooxaha AZ Alkmaar iyo Manchester United oo barbaro ku kala baxay… + SAWIRRO

(Yurub) 03 Oct 2019. Kooxaha AZ Alkmaaray iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku qeybsaday  garoonka Cars Jeans, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 0-0, kulan ka tirsan kulamada labaad GROUP L ee tartanka UEFA Europa League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 ay isku mari waayeen labada kooxood.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka ay dib ugu soo laabteen labada kooxood gudaha garoonka, waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay weeraro halis ah ee loo filan karay goolal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 0-0 ah, iyadoo labada kooxood ee AZ Alkmaaray iyo Manchester United ay dhibcha ku kala qeybsadeen garoonka Cars Jeans ee dalka Holland.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close