Xiddig ka tirsan Barcelona oo dhaleeceeyay socdaalkoodii Mareykanka iyo Japan, ka hor bilawga xilli ciyaareedka

(Barcelona) 01 Oct 2019. Barcelona ayaa kula ciyaartay kooxaha Chelsea iyo Vissel Kobe dalka Jaban, kahor inta aysan Blaugrana dib ugu soo laabanin Camp Nou, si ay Arsenal kula ciyaarto kulanka koobka Juan Jember Cup, kaddib waxay u safreen dalka Mareykanka, waxayna halkaas ku soo ciyaareen kulamo, ka hor bilaabashada xilli ciyaareedkan.

Daafaca Barcelona ee Clément Lenglet ayaa dhaleeceeyay socdaalkoodii dalalka Mareykanka iyo Japan ee kahor bilaabashada xili ciyaareedka, isaga oo tilmaamay in si gaabis ah ay ku bilaabatay kooxda heysata koobka horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Clément Lenglet ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Xilliga diyaargarowga ma aheyn wax sahlan, qof walba wuu ogyahay taas, waxaan u safray wadamo leh waqtiyo kala duwan, sida Japan iyo Mareykanka, taasna aad beey noo saameysay”.

“Ma nihin kooxda kaliya ee sameeysa diyaarinta noocan oo kale ah, laakiin waxaan aadnay Japan iyo Mareykanka, kuwaas oo ah dalal aad u kala duwan, laga yaabee in arrintaas aysan na caawinin, inkasta oo ay tahay inaan wax uun ka sameyno gudaha garoonka, mna jirto wado kale”.

Intaas kaddib Lenglet ayaa wuxuu ka hadlay imaatinka kooxda Barcelona wiilka ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Antoine Griezmann wuxuuna yiri:

“Wuxuu la qabsan doonaa kooxda Barcelona, sababa la xiriira awoodiisa iyo shaqsiyadiisa, bil iyo bar kahor uu bilaawday horyaalka wuxuu dhaliyay 3 gool ilaa iyo haatan, wuxuuna sameyn karaa waxyaabo intaas ka sii fiican, sababtoo ah wuxuu ku raaxeyanayaa tayadiisa cajiibka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close