Mané oo ka hadlay qalalaasaha ka dhex dheshay isaga iyo Saalax & Sida haatan uu yahay xiriirka ka dhexeeya

(Liverpool) 01 Oct 2019. Weeraryahanka reer  Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané ayaa xaqiijiyay in khilaafkii shaqsiyadeed ee kala dhaxeeyay saaxiibkiis Maxamed Saalax uu qeyb ka noqday wixii la soo dhaafay.

Sadio Mané ayaa caro ka muujiyay anaaninimada Maxamed Saalax, kaddib markii la badelay kulankii Burnley ee ka mid ahaa kulamada 4-aad horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kaasoo dhaliyay muran badan.

Si kastaba ha noqotee, Sadio Mané ayaa wuxuu xaqiijiyay in hadda ay wax walba dhamaadeen, isla markaana xiriirka kala dhexeeyay Maxamed Saalax uu yahay mid wanaag.

“Waxyaabahan oo kale waa suurtogal inay ka dhacaan kubadda cagta, waxaan yara ka xanaaqay waxyaabo qaar, waxaad dooneyaa inaad goolal dhaliso, waxaadna dooneysaa inaad caawin ka hesho saaxiibbadaada, laakiin runtii waxaa nahay saaxiibo wanaagsan”.

“Wax walba waa la iloobey, waxaana iska marinay dhanka gadaale”.

Yeelkadeeda, kooxda Liverpool ayaa isku diyaarineysa kulanka ay habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonto kooxda Salzburg tartanka UEFA Champions League.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close