Kooxda Barcelona oo bedelka Weeraryahankeeda Luis Suarez ka dhex aragta AC Milan

(Barcelona) 01 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay weeraryahanka AC Milan ee Krzysztof Piatek ay u aragto bedelka dhaliyaheeda Luis Suarez.

Iyadoo ciyaaryahanka reer Uruguay uu weli yahay dooqa koowaad ee Ernesto Valverde, waxaa jiray warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahankan ee Camp Nou.

Iyadoo 32-sano jirkaan qandaraas kaliya uu dhacayo illaa sanadka 2021-ka, haddana Warsidaha Calciomercato ayaa sheegaysa in Barcelona ay bilaawday inay ka fiirsato bedelkiisa.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Piatek uu hoggaaminayo xiddigaha ay Barca u aragto bedelka Suarez, iyadoo 24-sano jirkaan uu dhaliyey 11 gool 24 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Serie A tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay garoonka San Siro bilowgii sanadka.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay bixiso 44 milyan gini si ay u dhameystiraan heshiiska, inkastoo Milan ay u badan tahay inay dalbato lacag intaas ka badan.

Piatek ayaa weli heshiiskiisa kooxda reer Talyaani waxaa kaga harsan muddo afar sanadood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close