Kooxaha Real Madrid iyo Club Brugge oo barbaro ku galay garoonka Santiago Bernabeu… + SAWIRRO

(Madrid) 01 Oct 2019. Kooxaha Real Madrid iyo Club Brugge ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Santiago Bernabeu kulan ka tirsanaa kulmada labaad GROUP A ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 0-2 ay ku hogaaminayeen wiilashada martida ku ahaa garoonka Santiago Bernabeu ee Club Brugge.

Daqiiqadii 9-aad waxaa hogaanka u qabatay ciyaarta kooxda Club Brugge, iyadoo uu dheesha 0-1 ka dhigay ciyaaryahanka Emmanuel Dennis, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Percy Tau.

39 daqiiqo Emmanuel Dennis ayaa ka naxsaday taageerayaasha kooxda Real Madrid ee ku sugnaa garoonka Santiago Bernabeu, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-2.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka ay dib ugu soo laabteen labada kooxood gudaha garoonka, waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed ku saabsan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay weeraro halis ah ee loo filan karay goolal.

Daqiiqadii 56-aad Sergio Ramos ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-2, wuxuuna neefta ku soo celiyay taageerayaasha Real Madrid, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Daqiiqadii 86-aad Casemiro ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Toni Kroos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Real Madrid iyo Club Brugge.

SAWIRRO:

Gool FM:

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close