Liiska Musharaxiinta lala xiriirinayo shaqada tababarka AC Milan, si ay u noqdaan badalka Marco Giampaolo

(Milano) 30 Sebt 2019. Wargeyka “La Gazzetta dello Sport” ayaa subaxnimadan isniinta ah dejiyay liiska macalimiinta u sharaxan inay la wareegaan shaqada tababarka ee kooxda AC Milan, si ay u noqdaan badalka Marco Giampaolo, hadii ay dhacdo in shaqada laga ceyriyo.

Milan ayaa la kulantay guuldaradii 4-aad, 6-dii kulan ugu horeeysay ay ka ciyaareen horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, kaddib markii xalay xasuuq 3-1 ah ay kala kulantay kooxda Fiorentina oo marti ku aheyd garoonka Giuseppe Meazza.

Inkastoo uu u muuqdo tababare Marco Giampaolo inuu ku fashilmay shaqada tababarka ee kooxda AC Milan, haddana maamulka Rossoneri ayaa waxay wali u muujinayaan inay kalsooni ku qabaan adeegiisa.

Agaasimaha farsamada kooxda AC Milan ee Paolo Maldini ayaa xaqiijiyey inuu sii joogi doono tababare Marco Giampaolo, isagoo ku eedeeyey xaaladda hadda jirta qof kasta ee ku sugan kooxda.

عرض الصورة على تويتر

Wargeyka “La Gazzetta dello Sport” ayaa rumeysan in macalinka reer Talyaani ee Massimiliano Allegri uu yahay figrad ay adag tahay in la hirgaliyo xilligan, sidaas darteed wuxuu soo bandhigay liika magacyada xilligan la heli karo.

Liiskaan waxaa ku jira, macalimiinta kala ah Massimiliano Allegri, Luciano Spalletti, Claudio Ranieri, Rudi Garcia iyo Arsene Wenger, laakiin ilaa iyo hadda ma jiraan wax la xaqiijin karo, maadaama ay maamulka Rosanneri sheegeen in Marco Giampaolo uu sii joogayo kooxda.

Si kastaba ha noqotee, Marco Giampaolo ayaa la wareegay shaqada tababarka ee kooxda AC Milan bilowgii xilli ciyaareedkan, wuxuuna ka badaley Gennaro Gattuso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close