BAL EEG: Rikoodhka gooldhalineed ee waalida ah uu Ronaldo ka heysto kooxaha reer Germany, kahor kulanka habeen dambe ee Bayer Leverkusen

(Europe) 30 Sebt 2019. Juventus ayaa ku soo dhaweyneysa kooxda reer Germany ee Bayer Leverkusen garoonkeeda Allianz, si ay u wada ciyaaraan kulanka labaad GROUP D ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkan 2019-2020.

Weerarka kooxda Juventus ayaa waxaa hogaamin doono halyeeyga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaasoo isku dayi doono inuu halkiisa ka sii wato bandhigiisa fiican uu kaga soo muuqdo xilli ciyaareed kasta tartanka Champions League.

34 jirka reer Portugal ayaa rikoor cajiib ah ka heysta kooxaha Jarmalka, isagoo ka dhaliyay 26 gool 22 kulan uu kaga hor yimid tartanka Champions League tan iyo markii ugu horeysay ee uu saftay sanadkii 2004.

Cristiano Ronaldo ayaa kula ciyaaray kooxaha Bayern Munich, Borussia Dortmund, Schalke 04, Wolfsburg iyo Stuttgart, inta uu ku gudi jiray xirfadiisa ciyaareed ee tartanka Champions League, wuxuuna ka dhaliyay 26 gool, oo ay qeyb ka ahaayeen 7 jeer oo min 2 gool ah, iyo 2 jeer uu ka dhaliyay goolasha loo yaqaano saddexleyda.

Rikoorada gooldhalineed uu Cristiano Ronaldo ka heysto kooxaha reer Germany ayaa waxay ku yimaadeen sidan, wuxuu 9 gool ka dhaliyay kooxda Bayern Munich, 6 kulan uu ka hor yimid, halka Borussia Dortmund uu ka dhaliyay 7 gool, 9 kulan uu wajahay, 4 kulan uu Schalke ka hor yimid ayuu kaga dhaliyay 7 gool, Wolfsburg ayuu ka dhaliyay 3 gool, 2 kulan uu wajahay, laakiin Stuttgart wax gool ah ma uusan ka dhalinin kulankii uu wajahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close