Xiddigaha Kooxda Arsenal oo dhoolla-caddeynaya xilli ay ku guda jiraan tababarkooda ay isugu diyaarinayaan kulanka Man United … + SAWIRRO

(Manchester) 29 Sebt 2019. Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League habeen dambe isku qaban doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa xaalad dhaawacyo iyo natiijooyin liita dhexda kaga jirta, Anthony Martial iyo Paul Pogba ayaa dhaawacyo ka soo kabsanaya waxaana shaki ku jiraa inay ciyaari karaan kulanka ay Manchester United ay soo dhaweyneyso Arsenal ee Premier League.

Xiddigaha kooxda Arsenal ayaa intooda badan la arkay iyagoo dhoolla-caddeynaya xilli ay ku guda jireen maanta tababarkoodii ugu dambeeyey oo ay isugu diyaarinayaan kulanka ay habeen dambe ku booqanayaan Man United.

Waxaana arrintaan loo fasiran karaa inay kalsooni ku qabanaan inay kulankaas dhibacaha soo qaadan doonaan maadaama ay Man United xaalado dhaawac dhexda kaga jirto, laakiin xusuusta lagama saari karo inaan tan iyo sanadkii 2006 aysan Gunners ku soo adkaanin garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close