Burcad hubeysan oo halis geliyey qoyska laacib ka tirsan Real Madrid, dhacna u geystay Gurigiisa intii lagu guda jiray kulankii xalay ee Madrid Derby

(Madrid) 29 Sebt 2019. Burcad hubeysan ayaa la soo warinayaa inay halis geliyeen qoyska laacib ka tirsan kooxda Real Madrid, isla markaana ay dhac u geysteen gurigiisa intii uu socday kulankii xalay dhexmaray kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ee Madrid Derby.

Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa burcad hubeysani waxa ay dhac u geysteen gurigiisa oo ay markaas ku sugnaayeen xaaskiisa iyo gabadha uu dhalisay, xilli xiddiga xulka qaranka Brazil uu xilligaas dheelayey kulanka Madrid Derby.

27-sano jirkaan Casemiro si deg deg ah ugu cararay gurigiisa markii uu soo dhammaaday kulankii barbaraha 0-0 ku dhammaaday oo ay isku mari waayeen Atletico Madrid iyo Real Madrid, maadaama loo sheegay in burcad hubeysani ay gudaha u galeen gurigiisa oo ay dhac u geysteen.

Sida uu wariyey Warsidaha El Chiringuito Casemiro xaaskiisa iyo gabadhiisa ayaa bad qaba, balse ay Burcaddu guriga ka qaateen alaabo qaali ah oo aan magacyadooda iyo waxa ay yihiin aan si gaar ah loo tilmaamin.

Deegaanka uu deggan yahay Casemiro ayaa la yiraahdaa La Moralja waana halka ay ku yaalaan guryaha ugu badan ee tuugada ay bartilmaameedsato, maadaama ay deggan yihiin xiddigo waa weyn oo guryo qaali ah ku leh halkaasi.

Burcadda dhaca u geysata guryaha xiddigaha waa weyn ayaa dhawaanahan ku soo badatay dalka Spain, iyadoo xiddiga reer Brazil uu noqday dhibacihii ugu dambeeyey.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa horay uga digtay in xiddigaheedu aysan muuqaaladda guryahooda ay ka duubaan soo dhigin baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka si tuugada aysan u ogaanin, waxa yaala Gurigooda iyo qaabka ay ku jabsan karaan.

Yeelkeede, ciyaaroyda Los Blancos inkastoo ay yareeyeen inay muuqaaladda aqaladooda soo dhigaan Internet-ka ayaa haddana waxaa weli sii socda dhaca loo geysanayo Guryahooda.

Magaalada Barcelona ee dalka Spain ayay ahayd markii dhowaan dhac loo geystay daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti oo alaabo qaali ah laga qaatay Gurigiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close