NAXDIN: Waxa uu iska dhaliyey gool kulan Koobka Adduunka ah, kaddibna waa la dilay, qisada murugada leh ee ruxday kubadda cagta

(World) 28 Sebt 2019. Maalinkii labaad ee bisha July ee sanadkii 1994-kii  waxa ay u ahayd  maalin mugdi u ah  dadka reer Colombia iyo guud ahaanba kubadda cagta caalamka,  waana maalin aan illaa iyo hadda la iloobin.

Dhacdadaan ayaa tabanaysa laacib heer qaran ah oo la dilay laguna dhuftay wax ka badan 5 xabadood, kaasi oo ahaa xiddig ka soo jeeda Colombia oo si aan ula kac ahayn gool isaga dhaliyay kulan ka tirsanaa Koobka Adduunka oo dhacay sanadkii 1994-kii.

Haddaba waxaan idinla wadaageynaa dhacdaasi dilka ah sida ay u dhacday, kulanka uu goolka iska dhaliyay ciyaaryahanka la dilay, waddanka uu qaranka Colombia la ciyaarayay, hanjabaaddii uu la kulmay, sidii uu isku dhago-tiray, yaa dilkiisa ka dambeeyay oo xasiga loo geeyay iyo wax walba oo ku saabsan dilkii dunida kubadda cagta gilgilay ee layaabka lahaa.

Muuqaalka hoose oo uu inoo diyaariyey soona jeedinayo Wariyeheenna Shaafici Maxamuud Nuur Shaafinho ayaa kaga bogan kartaa.

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close