Manchester City oo ku soo garaacday kooxda Everton garoonka Goodison Park…+SAWIRRO

(London) 28 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Machester City ayaa guul weyn oo muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Everton garoonkeeda Goodison Park, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-3

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

24 daqiiqo kooxda Manchester City oo marti ku aheyd garoonka Goodison Park ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Gabriel Jesus, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Laakiin daqiiqadii 33-aad kooxda Everton ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Dominic Calvert-Lewin, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Seamus Coleman.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad Riyad Mahrez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, kaddib markii uu dhaliyay kubad laad xur ee cajiib ah, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.

Laakiin daqiiqadii 85-aad Raheem Sterling ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-3 ay guusha ku raacday kooxda martida ku aheyd garoonka Goodison Park ee Manchester City.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close