Liverpool oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United oo ay booqatay…+SAWIRRO

(England) 28 Sebt 2019. Liverpool oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United garoonkeeda Anthony Taylor, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsan horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 70-aad kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Holand ee Georginio Wijnaldum.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda Liverpool.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close