Kooxaha Atlético Madrid iyo Real Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday Madrid Derby …+SAWIRRO

(Madrid) 28 Sebt 2019. Kooxaha Atlético Madrid iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii adkaa Madrid Derby ee ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano, kaasoo ku soo idlaaday barbaro 0-0 ah.

Qeybta hore ee dheesha lagu kala nastay barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood ee Atlético Madrid iyo Real Madrid kulan xiiso badan ay ku ciyareen garoonka Wanda Metropolitano.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close