Juventus oo saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda SPAL xilli Ronaldo uu shabaqa gaaray…+SAWIRRO

(Turino) 28 Sebt 2019. Juventus ayaa  saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda SPAL garoonka Allianz, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-0 ah.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Juventus ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Miralem Pjanic, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sami Khedira

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad Cristiano Ronaldo ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Juventus wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay Paulo Dybala.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guul kaga gaartay Juventus kooxda SPAL oo marti ku aheyd Allianz Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close