Zidane oo war fiican ka helay tababarka Real Madrid, kahor kulanka adag ee Madrid Derby

(Madrid) 27 Sebt 2019. Tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku helay tababarka kooxda Real Madrid shalay oo khamiis ah war ay aad ugu farxi doonaan taageerayaasha Los Blancos.

Real Mdrid ayaa Sabtida ciyaari doonto kulanka horyaalka La Liga ee la wada sugayo ee Madrid Derby, kaasoo ay ku booqan doonto Atlético Madrid garoonka Wanda Metropolitano.

Tababarka guud ee kooxda Real Madrid ayaa waxaa lagu dhex arkay inay dib ugu soo laabteen xiddigaha Isco iyo Luka Modric, kaddib markii ay kasoo kabteen dhaawacii ay dhawaantan ku maqnaayeen.

Image result for isco and luka modric in training

Xiddiga reer Spain ee Francisco Isco ayaa dhaawacan la kulmay bilawga xilli ciyaareedka, taasoo ka dhigtay inuu ka maqnaado tababarka iyo kulamada rasmiga ah ee kooxda ilaa iyo haatan.

Dhinaca kale Luka Modric ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid isagoo dhaawacan kaddib kulamadii caalamiga ahaa uu kala qeyb galay xulkiisa qaranka Croatia, wuxuuna dhaawac ka soo gaaray dhanka gadaale ee muruqa, isagoo garoomada ka maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close