Valverde oo ka hadlay dhaawaca Lionel Messi iyo maqnaanshihiisa Kooxda Barcelona

(Barcelona) 27 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray Lionel Messi intii lagu guda jiray kulankii ugu dambeeyay ee ay kula ciyaareen kooxda Villarreal horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Ernesto Valverde ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id maanta oo Jimco ah ka hor kulanka ay barri booqan doonaan kooxda Getafe ee ka tirsan horyaalka La Liga.

Ernesto Valverde ayaa waxa uu xaqiijiyay in Lionel Messi uu ka maqnaan doono garoomada muddo uusan ogeyn inta ay qaadan doonto, kaddib dhaawacii muruqa ahaa ee soo gaaray inta uu socday kulankii Villarreal, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in dhaawaciisa uusan ahayn mid halis ah.

عرض الصورة على تويتر

“Ma aqaano inta uu garoomada ka maqnaan doono, waxaana rajeynayaa inuu dhowaan soo laaban doono”.

“Laakiin mabda’iyan dhaawaciisa ma’ahan mid halis ah, balse kaliya uu yahay dhaawac yar ee ka soo gaaray dhanka muruqa”.

“Waa inaan sugnaa oo aan aragnaa sida xaalkiisu noqon doono maanta iyo horraanta isbuuca soo socda, waan arki doonnaa sida ay wax u socdaan, kaddib ayaan go’aansan doonnaa”.

Ugu dambeyntii Ernesto Valverde ayaa wuxuu ka hadlay saameynta ay ku yeelan karto kooxdiisa maqnaanshiyaha kabtan Messi wuxuuna yiri:

“Waxaan leenahay meelo aan ka xoogannahay, laakiin waan u xiisi doonnaa ciyaaryahan dhibaatayn kara kooxda naga soo horjeedda, hadda waxaan haysanaa kheyraad aan ku maareyno xaaladda, horey ayaan sidaan u sameynay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close