Tababare Unai Emery oo ku dhawaaqay kabtanka joogtada ah ee kooxda Arsenal

(London) 27 Sebt 2019.Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Unai Emery ayaa ku dhawaaqay maanta oo jimco ah kabtanka cusub joogtada ah ee naadiga Gunners.

Tababare Unai Emery ayaa u magacaabay xiddiga reer Switzerland ee Granit Xhaka kabtanka cusub joogtada ah ee kooxda Arsenal.

Granit Xhaka ayaa xiran doono calaamada kabtanimada si uu u noqdo badalka daaficii hore kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny, kaasoo kooxda ka tagay suuqii kala iibsiga xagaaga ee lasoo dhaafay.

Kulanka ugu horeeya uu xiran doono Granit Xhaka calaamada kabtanimada wuxuu noqon doonaa ciyaarta isniinta ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Manchester United iyo Arsenal garoonka Old Trafford horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close