Tababare Solskjær oo ka warbixiyay xaaladda dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa kahor kulanka Arsenal

(Manchester) 27 Sebt 2019. Macalinka reer Norway iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu shaaca ka qaaday horumaradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay xiddigaha ka dhaawacan  kahor kulanka adag ay Isniinta kula ciyaari doonaan naadiga Arsenal garoonka Old Trafford horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa haatan dhanka kala sareynta ee horyaalka Premier League, halka Manchester United ay fashiso kaalinta 8-aad iyagoo leh 8 dhibcood.

Haddaba tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wareysi uu ku bixiyay Taleefishinka Manchester United wuxuu kaga hadlay xaalada dhaawacyo ee kooxdiisa:

“Waxaa laga yaabaa in hal ama labo ciyaartoy dhab ahaantii aysan soo laabanin”.

“Pogba wuxuu qabay dhaawac canqowga ah, bal aan aragno sida ay daaweyntiisu noqon doonto”.

“Wuxuu ciyaaray 90-ka daqiiqo kulankii Carabao Cup-ka, laakiin dhamaadkii ciyaarta wuxuu dareemay xanuun”.

“Phil Jones wuu ka maqan yahay liiska kooxda tan iyo kulamadii caalamiga ahaa, sidoo kale uma maleynayo inaan arki doono Anthony Martial ka hor fasaxa kulamada caalamiga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close