Tababare Solskjær oo farta ku fiiqay dhibaatada heysata kooxda Manchester United

(Manchester) 26 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ku amaanay ciyaartoydiisa sida ay u dhaliyeen dhamaan rigoorayaasha kulankii xalay ay la ciyaareen naadig Rochdale.

Manchester United oo 90-ka daqiiqo barbaro 1-1 ah la dhaafi weysay kooxda Rochdale kulankii xalay wareega saddexaad ee tartanka Carabao Cup, ayaa waxay ugu dambeyntii ku soo baxday rigoorayaal 5-3 ah.

Tababare Solskjær ayaa farta ku fiiqay dhibaatada heysata kooxda Manchester United, wuxuuna sheegay in Red Devils ay u baahan tahay inay goolal badan dhaliso wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu qanacsanahay kalsoonida ciyaartoyda, dhamaantood waxay doonayeen inay tuuraan rigoorooyinka”.

“Daniel James wuxuu codsaday inuu tuuro rigoorada, waana waxa aad dooneyso inaad ku aragto ciyaartoydanada, kalsoonidaas”.

“Kullamo badan ee xilli ciyaareedkan waxaan ku hormarnay gool, kaddib waxaa muhiim ahaan laheyd inaan dhalino gool labaad, balse ma aanan sameynin”.

Si kastaba ha noqotee, waxaa xalay la sameeyay Isku aadka wareega afaraad ee tartanka Carabao Cup-ka, kaddib marka ay soo idlaadeen kulamadii wareega saddexaad ee tartankan, Manchester United ayaana wajihi doonta kooxda Chelsea, iyadoo ay ciyaartan dhici doonto dhamaadka bisha soo socota.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close