Muxuu ka yiri Zidane xiddigaha Vinícius Jr iyo Rodrygo, kaddib guushii ay xalay ka gaareen Osasuna??

(Madrid) 26 Sebt 2019. Macallinka reer France iyo kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib guushii muhiimka aheyd ay kaga gaareen naadiga Osasuna kulankii horyaalka La Liga ee xalay ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga gaartay dhigeeda Osasuna garoonka Santiago Bernabeu, kaddib markii ay ku garaacday 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa guushan ay ka gaaratay kooxda Osasuna waxay ka dhigan tahay inay hogaanka u qabteen horyaalka La Liga, kaddib markii ay aruursadeen 14 dhibcood.

Haddaba tababare Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kadib ka hadlay dareenkiisa guusha ay ka gaareen kooxda Osasuna wuxuuna yiri:

“Waxaan nahay hogaamiyaasha, laakiin taasi kama dhigna wax kasta, waa inaan ku sii soconaa isla nidaamkan, isla markaana aan aaminno waxa aan sameyn karno”.

“Waxaan had iyo jeer isku dayaa inaan kalsooni siiyo Vinícius Júnior, wuxuu u baahnaa inuu dhaliyo goolkii uu dhaliyay”.

“Waaan ku kalsoonahay shaqadeena iyo dadaalkeena, waxaan sameynaa waxyaabo wanaagsan, ma xumin, isla markaana ma gaarin tayada ugu sarreeysa”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay Rodrygo oo xalay gool ka dhaliyay kooxda Osasuna wuxuuna yiri:

“Labo daqiiqo kaddib markii uu garoonka soo galayay, wuxuu kubadda u xakameeyay si layaab leh, kahor inta uusan kubadda dhax dhigin shabaqa kooxda Osasuna”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close