Madaxweynaha La Liga oo ka qoomameynaya in Neymar Jr uusan wali ku soo laabanin horyaalka Spain

(Madrid) 26 Sebt 2019. Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa wuxuu muujiyay sida uu kaga qoomameynayo in Neymar Jr uusan ku soo laabanin horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Neymar Jr ayaa xagaagii la soo dhaafay oo dhan si weyn lala xiriirinayay labada kooxood Real Madrid iyo Barcelona, laakiin ugu dambeyntii wuxuu iska sii joogay kooxdiisa Paris Saint-Germain, maadaama lagu fashilmay in heshiiska la dhameystiro.

Hadalkiisan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib jir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuuna yiri:

“Haa, waxaan doonayay inuu soo laabto, waxaan xiiso u qabay inaan ku arko horyaalka La Liga laacib leh qaab ciyaareedkan”.

“Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaan arko Jose Mourinho iyo Pep Guardiola oo leylinaya laba kooxood Spain ah markale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close