Klopp oo si weyn u amaanay Pep Guardiola… Muxuuse ka yiri Mauricio Pochettino??

(Liverpool) 26 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaan kala dul dhacay macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola isagoo ku sifeeyay inuu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee uu abid ka hor yimid.

Jurgen Klopp ayaa dhawaan ku garaacay Pep Guardiola abaal-marinta macallinka sanadka ee FIFA THE BEST 2019, xafladii ka dhacday magaalada Milan, taasoo uu ka maqnaa macalinka reer Spain.

Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa wareysi uu dhawaantan bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Aad ayaan u ixtiraamaa isaga, oo maxaan ka sheegi karaa isaga?, wuxuu ku guuleystay koobab badan iyo qaabka ay kooxdiisa u ciyaarto, waa mid cajiib ah”.

“Waa macalinkii ugu fiicnaa ee aan abid wajahay, inaan kula tartamay abaal-marinta macallinka sanadka ee THE BEST, waxay iga dhigeysaa midaan si weyn ugu faanayo”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleystay abaal-marinta macallinka sanadka ee FIFA THE BEST 2019, Maalmahan aniga aad ayeey iigu fiican yihiin”.

“Laakiin ma jiraan waxaan u qalmi lahaa aniga la’aanto ciyaartoydeyda, sidaa darteed waxa ugu muhiimsan waa kooxda”.

Dhinaca kale Jurgen Klopp ayaa wuxuu ka hadlay macalinka kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino wuxuuna yiri:

“Sanadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa mid cajiib ah, wuxuu dhisay koox talaabo talaabo ah, gabal gabal ah, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close