25-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan Champions League oo la soo saaray & Kooxda koobka qaaday ee Liverpool oo aan hal xiddig ku lahayn!

(Yurub) 26 Sebt 2019. Waxaa la shaaciyey 25-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan tartanka Champions League iyo lacagta ay qaataan sanadkii, iyadoo kooxda ku guuleysatay koobkan dhagaweyne ee Liverpool aysan hal ciyaaryahan ku yeelan.

Tartanka Champions League ayaa la ciyaaray isbuucii la soo dhaafay, waxaana kooxuhu ay la kulmeen natiijooyin kala duwan, labada kooxood ee Premier League ka ciyaara ee Chelsea iyo Liverpool ayaa guuldarrooyin kala kulmay Valencia iyo Napoli.

Kooxda reer France ee PSG ayaa garaacday Real Madrid, halka naadiga Barcelona ay barbaro la gashay kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund.

Kulankii xiisaha lahaa ee dhexmaray Juventus iyo Atletico ayaa ku dhammaaday barbaro 2-2, si kastaba waxaan daawanay wareegii koowaad ee heerka gurubyada Champions League kulammo xiiso leh.

Haddaba xog ay uruurisay Capology ayaa caddeynaya 25-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan Champions League iyo weliba lacagaha ay qaataan.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya liiskan kuwaasoo qaata mushaar aad qaali ah, waxaana wax cadaalad u dhow marka loo eego inay kubadda cagta madaxa ka haysteen 15-kii sanadood ee laga soo gudbay.

Waxaa sidoo kale cajiib ah inay liiskan ka soo muuqdaan oo weliba meel sare ka soo galaan xiddigaha da’da yar ee Luka Jovic iyo De Jong.

Yeelkeede, waxaa liiskan laga dhex waayey hal xiddig oo ka tirsan Liverpool inkastoo Wiilasha Reds ay ku guuleysteen Champions League.

Waxaa lagu ammaanay kooxda Liverpool sida wanaagsan oo ay u maamulayaan shaxdooda, maadaama aysan ku jirin kooxaha mushaharka badan bixiya haddana waxa ay haystaan xiddigo awood u leh inay sare u qaadaan koobka Champions League.

Halkaan hoose ka eeg 25-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan Champions League iyo weliba lacagaha ay qaataan:-

25 – Gonzalo Higuain – £12.29m

24 – Thomas Muller – £13.23m

23 – Manuel Neuer – £13.27m

22 – Robert Lewandowski – £14.1m

21 – Karim Benzema – £14.63m

20 – James Rodriguez – £14.69m

19 – Thiago Silva – £14.8m

18 – Edinson Cavani – £16.3m

17 – Luka Modric – £16.48m

16 – Kylian Mbappe – £16.49m

15 – Marcelo – £17.7m

14 – Toni Kroos – £17.7m

13 – Sergio Ramos – £17.7m

12 – Kevin de Bruyne – £18.2m

11 – Luka Jovic – £18.4m

10 – Frenkie de Jong – £18.41m

9 – Jan Oblak – £18.41m

8 – Luis Suarez – £20.71m

7 – Philippe Coutinho – £21.68m

6- Gareth Bale – £24.72

5 – Eden Hazard – £27.7m

4 – Neymar – £32.48

3 – Antoine Griezmann – £40.53m

2 – Cristiano Ronaldo – £50.8m

1 – Lionel Messi – £62.6m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close