RASMI: 40-ka ciyaaryahan ee u sharraxan sanadkan abaal-marinta Wiilka Dahabiga ee Golden Boy 2019 oo la shaaciyey

(Yurub) 25 Sebt 2019. Jariiradda Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday 40-ka ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta Wiilka Dahabiga ee Golden Boy Award 2019.

Abaal-marintan oo la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican sanadka xiddigaha da’doodu ka hooseyso 21-ka sano eek ka ciyaaraya qaaradda Yurub ayaa waxaa codeeya Suxufiyiinta Isboortiga.

Bild (Germany), Blick (Switzerland), A Bola (Portugal), l’Équipe (France), France Football (France), Marca (Spain), Mundo Deportivo (Spain), Ta Nea (Greece), Sport Express (Russia), De Telegraaf (Netherlands), iyo The Times (United Kingdom) ayaa ka mid ah wargeysyada codeynaya abaal-marintan.

Waxaa xubin waliba oo codeynaysa ay dooranayaan shan ciyaaryahan iyagoo 10 dhibcood siinaya xiddiga koowaad, 7 dhibcood siinaya kaalinta labaad, shan dhibcood siinaya xiddiga kaalinta saddexaad, saddex dhibcood siinaya xiddiga kaalinta afaraad, isla markaana laacibka shanaad siinaya kaliya hal dhibic.

Wayne Rooney, Lionel Messi, Cesc Fabregas, Sergio Aguero, Paul Pogba, Raheem Sterling iyo Anthony Martial ayaa ka mid ah ciyaartoyda horay ugu guuleysatay abaal-marintan.

Labadii ciyaaryahan ee ugu damb eeyey oo abaal-marintan ku guuleysta waxa ay ahaayeen Kylian Mbappe iyo Matthijs de Ligt.

Waxaa liiskan ka kooban 40-ka ciyaaryahan ka buuxa xiddigo tayo leh, balse waxaa la isweydiinayaan laacibka abaal-marintan ku guuleysan doona taasoo la bixinayo bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxaana la saadaalinayaa in saddexda xiddig ee ugu cad-cad ay kala yihiin ciyaaryahanka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix iyo daafaca kooxda Juventus De Ligt.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska 40-ka ciyaaryahan ee u sharraxan oo ku tartami doona abaal-marinta wiilka dahabiga ah ee 2019:-

Benoit Badiashile (Monaco)

Samuel Chukwueze (Villarreal)

Michael Cuisance (Bayern Munich)

Tom Dele-Bashiru (Watford)

Matthijs De Ligt (Juventus)

Krépin Diatta (Club Brugge)

Giuanluigi Donnarumma (AC Milan)

Denis Dragus (Standard Liege)

Eljif Elmas (Napoli)

Florentino Luís (Benfica)

Phil Foden (Manchester City)

Mattéo Guendouzi (Arsenal)

Erling Braut Haaland (RB Salzburg)

Kai Havertz (Bayer Leverkusen)

Alexander Isak (Real Sociedad)

Joao Félix (Atlético Madrid)

Dejan Joveljic (Eintracht Frankfurt)

Boubacar Kamara (Marseille)

Alphonso Davies (Bayern Munich)

Moise Kean (Everton)

Justin Kluivert (Roma)

Ibrahima Konaté (RB Leipzig)

Rodrygo Goes (Real Madrid)

Alban Lafont (Nantes)

Diego Lainez (Real Betis)

KangIn Lee (Valencia)

Andriy Lunin (Real Valladolid, on loan)

Donyell Malen (PSV)

Mason Mount (Chelsea)

Nehuén Pérez (Famalicao)

Reiss Nelson (Arsenal)

Abdulkadir Omur (Trabzonspor)

Strahinja Pavlovic (Partizan Belgrade)

Rafael Leao (AC Milan)

Vinicius Junior (Real Madrid)

Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

Luis Sinisterra (Feyenoord)

Jean-Clair Todibo (Barcelona)

Ferran Torres (Valencia)

Nicolo Zaniolo (Roma)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close