Zidane oo si layaab leh kaga hadlay in Messi loo caleemo saaray abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST

(Madrid) 24 Sebt 2019.Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka soo hor muuqday warbaahinta, kahor kulanka lixaad horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan ay kula ciyaarayaan naadiga Osasuna habeen dambe.

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa habeen dambe ee Arbacada ah ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Santiago Bernabéu kooxda dhibta badan ee Osasuna.

Haddaba Zinedine Zidane ayaa shirka jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu si layaab leh kaga hadlay in Lionel Messi loo caleemo saaray abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, isagoo ku garaacay xiddigaha Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Zidane ayaa ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

Image result for Zidane and Messi FIFA THE BEST 2019

“Messi ayaa ah kan ugu fiican? Maan arag mana maqal”.

“Ma daawanin xafladii xalay ee FIFA, mana maqal natiijooyinkeeda, kuwa codeeya ayaa ugu dambeyntii ah kuwa wax doorta”.

Yeelkadeeda, Afar ciyaartooy ee ka socda kooxda Real Madrid ayaa ku baxay shaxda sanadka ee FIFPro 2019, kuwaas oo kala ah Sergio Ramos, Marcelo, Modric iyo Hazard.

Zinedine Zidane oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sii raaciyay:

“Waxaan mar walba ku cel-celiyaa arrintaas, ciyaartoydeyda waa kuwa adduunka ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close