“Tartanka noo dhexeeya aniga iyo Ronaldo ma ahan mid dhaafsiisan kubadda cagta” –Messi

(Yurub) 24 Sebt 2019. Website-ka FIFA ayaa daabacay wareysi dheer ee dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi Talaadadii, kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay xafladii xalay ka dhacday magaalada Milan ee abaal-marinnada FIFA lagu bixinayay, isagoo ku garaacay xiddigaha Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa inta uu ku gudi jiray wareyigan uu ku bixiyay Website-ka FIFA wuxuu kaga hadlay loolanka ka dhexeeya isaga iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna sheegay:

“Waxaan si aad ah u tartanay sannadihii ugu dambeeyay, tartanka wuxuu sii xoogeystay maadaama uu midkeen u ciyaaro Barcelona halka kan kalena uu u ciyaarayay Real Madrid, waxaana ku guuleysanay abaalmarino shaqsiyadeed”.

“Dadku waxaa laga yaabaa inay u arkeen in tartankeenu uu dhaafay kubadda cagta, laakiin taasi run ma ahan”.

“Waxaan la dooneynaa kooxaheena waxa ugu fiican, mana jeclo midkeen inuu guuldareysto, mana aqbali karno, taasi waa sababta uu tartan weyn inooga dhexeeyo, balse ma jiraan wax ka baxsan gudaha garoonka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close