Solari oo ku amaanay Klopp ku guuleysiga abaal-marinta macallinka sanadka ee FIFA THE BEST

(Milan) 24 Sebt 2019. Tababarihii hore kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa ku amaanay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp inuu ku guuleystay abaal-marinta macallinka sanadka ee The Best, inta ay socotay xafladii xalay ka dhacday magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Santiago Solari kaddib xafladii xalay ee FIFA THE BEST wuxuuna yiri:

Image result for Klopp and Solari FIFA THE BEST 2019

“Xaqiiqdii Jurgen Klopp wuu u qalmay, Pochettino, wuxuu qabtay shaqo aad u wanaagsan Guardiola sidoo kale, balse Jurgen Klopp wuxuu ku guuleystay Champions Leagu, waxaana u maleynayaa inay cadaalad tahay inuu ku guuleysto abaal-marintan”.

Intaas kaddib macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay:

“Sharaf ayay ii tahay inaan u adeego Real Madrid, aad ayaan ugu faraxsanahay guushii aan ka gaarnay kooxda Sevilla, taasoo aheyd guul si fiican loogu baahnaa”.

Waxaa xusid mudan, in Solari uu shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid kala wareegay macalinkii kaga sii horeeyay ee Julen Lopetegui, kahor intaan isagana shaqada laga ceyrinin, kaddib guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Ajax tartanka Champions League, iyo sidoo kale tii Barcelona wareega afar dhamaadka ee Copa del Rey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close