Shaxda rasmiga ah oo ay ku soo galayaan caawa kooxaha Brescia iyo Juventus oo lagu dhawaaqay… (Miyuu ku bilowday Mario Balotelli?)

(Brescia) 24 Sebt 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay ku soo geli doonaan kooxaha Brescia iyo Juventus oo wada dheeli doona kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da Talyaaniga.

Mario Balotelli ayaa kulankiisii ugu horreeyey u safanaya kooxdiisa Brescia, isagoo ku soo bilowday safka hore ee kulankan ay ka horjeedaan kooxda xafidanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus, waxaana uu gudaha garoonka kula kulmi doonaa Paulo Dybala iyo Adrien Rabiot oo safka Juve ku bilowday.

Cristiano Ronaldo ayaa dhankiisa seegay kulankan oo la nasiiyey maadaama uu dareemayo murqo daal.

Haddaba halkaan hoose ka eeg safafka ay ku soo geli doonaan labadaan kooxood caawa:-

Safka hore ee Brescia: Joronen; Sabelli, Cistana, Chancellor, Mateju; Bisoli, Tonali, Dessena; Romulo; Balotelli, A Donnarumma.

Safka hore ee Juventus: Szczesny; Danilo, Bonucci, De Ligt, Alex Sandro; Khedira, Pjanic, Rabiot; Ramsey; Higuain, Dybala.

Garsooraha ciyaarta: Pasqua

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close