Miyuu ciyaari doonaa Pogba kulanka Arsenal ee Premier League?… Waxaa ka jawaabaya tababare Solskjær

(Manchester) 24 Sebt 2019. Paul Pogba ayaa ka maqnaa safka kooxda Manchester United iyo kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen kooxda Southampton 31-kii Agoosto, sababa la xiriira inuu soo gaaray dhaawac dhanka canqowga ah, laakiin wuxuu rajeynayaa inuu mar kale taam noqdo kahor kulanka Arsenal isniinta ee horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa si maldahan u sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba uu ku soo laaban doono safka kooxda kulanka habeen dambe Arbacada ee EFL Cup-ka ay kula ciyaarayaan naadiga Rochdale.

Haddaba macalinka reer Norwegian ee Ole Gunnar Solskjær ayaa u sheegay shabakada rasmiga ah ee kooxda Red Devils:

“Wuxuu ciyaari doonaa dhowr daqiiqo kulanka Rochdale, laakiin wuxuu si buuxda diyaar ugu noqon doonaa kulanka Arsenal ee horyaalka Premier League”.

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabatay si niyad-jab leh iyadoo keliya 8 dhibcood ka heshay 6 kulan ay ilaa iyo haatan ciyaartay, waxayna kaalinta 8-aad kaga jiraan dhanka kala sareynta ee horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close