Labada kabtan ee Ramos iyo Messi oo la ogaaday xiddigihii ay xalay u codeeyeen xafladdii abaal-marinada ee FIFA The Best

(Milan) 24 Sebt 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa u codeeyay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, laacibka reer Masar iyo naadiga Liverpool ee Maxamed Saalax.

Wararka ayaa waxay muujinayaan in Sergio Ramos uu u xushay seddex ciyaaryahan inay u qalmaan ku guuleysiga abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, kuwaasoo kala ah Eden Hazard, saaxiibkiis hore Cristiano Ronaldo iyo Maxamed Saalax.

Arrintan ayaa xoogaa u muuqata mid layaab leh ilaa iyo xad, marka loo fiiriyo wixii lasoo dhaafay iyo inuusan wanaagsaneyn xiriirk ka dhexeeya xiddiga reer Spain iyo kan reer Masar, sababa la xiriira dhaawacii xumaa ee dhanka garabka ahaa uu Ramos u geystay Saalax, inta lagu gudi jiray kulankii finalka Champions League 2018, taasoo sababtay in xiddiga reer Masar uu dhameysan waayo ciyaarta.

Yeelkadeeda, kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay magaalada Milan oo abaal-marinnada FIFA lagu bixiyay.

Dhankiisa Lionel Messi ayaa u codeeyay xiddigaha Sadio Mané, Cristiano Ronaldo iyo saaxiibkiis kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close