Hordhaca kulanka horyaalka Serie A ee Kooxaha Brescia iyo Juventus… (Mario Balotelli oo ku bilaaban kara kulankan)

(Brescia) 24 Sebt 2019.  Kulan oo ahaa midkoodii shanaad ee horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan ayay Juventus u safreysaa garoonka Stadio Mario Rigamonti halkaasoo ay caawa kula ciyaareyso naadiga dhowaan soo dallacday ee Brescia.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Taariikhda: Talaado, 24 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Fabrizio Pasqua (Italy)

Garoonka: Stadio Mario Rigamonti

Wararka Kooxaha:-

​Juventus ayaa la dhibtoonaysa dhaawacyo iyadoo shan ka mid ah xiddigaheeda safka hore ay dhaawacyo ku maqan yihiin, Giorgio Chiellini, Mattia Perin, Marko Pjaca, Mattia De Sciglio iyo Douglas Costa ayaa dhammaantood la filayaa inay seegaan kulanka caawa.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale la warinayaa inuu seegi karo kulankan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin weli.

Brescia ayaa dhankeeda qabta walwal dhaawac waxaana la filayaa inuu Ernesto Torregrossa maqnaado illaa bisha April, halka  Emanuele Ndoj, Giangiacomo Magnani, Mattia Viviani iyo Bruno Martella ayaa dhaawac la maqan yihiin.

Mario Balotelli ayaa si rasmi ah kulankiisii ugu horreeyey u safan kara Brescia, kaddib markii 29-sano jirkaan uu la maqnaa afartii kulan ee xilli ciyaareedkan ganaax lagu saaray isagoo u ciyaaray kooxda Ligue 1 ee Marseille.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Brescia ayaa loo diiwaan geliyey kaliya labo ka mid ah tobankoodii kulan ee ugu dambeeyey.

>- Juve ayaa guuleysatay sagaal kulan, waxa ayna khasaaro la kulantay saddex kale 16-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartammada waa weyn tan iyo sanadkii 2000.

>- Kooxda Martida ah ayaa ku guuleysatay saddex jeer booqashadooda, iyadoo labo mar kala soo laabtay shabaqooda oo nadiif ah.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Dhinaca kale caawa 8:00 xilliga geeska Afrika waxaa wada ciyaari doona kooxaha Verona iyo Udinese kulan ka tirsan horyaalka Serie A.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close