Hordhaca kulanka horyaalka La Liga ee Kooxaha Barcelona iyo Villarreal… (Blaugrana oo doonaysa inay ka soo kabato guuldarradii Granada)

(Barcelona) 24 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ee haysta horyaalka La Liga ayaa garoonkeeda Camp Nou caawa ku soo dhoweynaysa naadiga Villarreal kulan ka tirsan horyaalka Spain.

Barcelona ayaa indhaha ku haysa inay ka soo kabato guuldarradii layaabka lahayd eek a soo gaartay kulankii ugu dambeeyey horyaalka Naadiga Granada.

Blaugrana ayaa qaab ciyaareed hooseysa ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, waxaana ay kaliya guuleysteen labo kulan shantii kulan ee ugu dambeeyey, labadaas kulanna waxa ay min 5-2 guulo ah ka gaareen Real Betis iyo Valencia.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Talaado, 24 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Ricardo De Burgos Bengoetxea​

Garoonka: Camp Nou

Wararka Kooxaha:-

Weeraryahanka kooxda ee Lionel Messi oo kursiga keydka ka soo kacay kulankii ay guuldarrada 2-0 kala kulmeen Granada ayay u badan tahay inuu xiddigan reer Argentine safka hore ku bilowdo kulankan.

Daafaca garabka bidix ee Jordi Alba oo dhaawac muruqa ah uu ka soo gaaray kulankii Champions League ayaa garoomada ka maqnaan doona isbuucyo yar, halka Ousmane Dembele uu ku dhow yahay inuu garoomada dib ugu soo laabto.

Daafaca kale ee Barca Samuel Umtiti ayaa la filayaa inuu garoomada ka sii maqnaan doono ugu yaraan bil kale, maadaama uu cagta ka dhaawac yahay.

Dhnaca kale, kooxda Villarreal ayaan heli doonin labada ciyaaryahan Alberto Moreno iyo Bruno Soriano waxaana ay la maqnaan doonaan dhaawacyo muruqa iyo lugta ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Catalans ayaa loo diiwaan geliyey 16-kii guul oo ugu dambeeyey ee labadaan kooxood dhexmara weliba si xiriir ah.

>- Markii ugu dambeysay oo ay Barcelona guuldarro kala kulanto kooxdan waxa ay ahayd sanadkii 2008.

>- Garoonka Camp Nou kulammadii ka dhacay kooxda martida loo ahaa ee barca ayaa guuleysatay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey ee garoonkan lagu ciyaaray weliba si xiriir ah.

>- 16 ka mid ah 23-kii kulan ee ugu dambeeyey labadaan kooxood ayaa goolal iska dhaliyey.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Semedo; De Jong, Busquets, Arthur; Messi, Suarez, Griezmann.

Villarreal: Asenjo; Pena, Torres, Albiol, Quintilla; Anguissa, Iborra; Chukwueze, Cazorla, Gomez; Bacca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close