FIFA oo ku dhawaaqday natiijada codbixinta abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST… (Waa kuwee 10-ka ugu sarreeya?)

(Milano) 24 Sebt 2019. FIFA ayaa ku dhawaaqday natiijada codbixinta abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, kaasoo uu ku guuleystay xalay oo Isniin ah kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay magaalada Milan oo abaal-marinnada FIFA lagu bixiyay, isagoo ku garaacay xiddigaha Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saaray natiijada kama dambeysta ah ee codeyntii xalay, taasoo muujisay in Lionel Messi uu helay tirada dhibcaha ugu badan, wuxuuna helay 46-dhibcood.

Virgil van Dijk ayaa soo galay kaalinta labaad isagoo helay 38-dhibcood, halka Ronaldo uu laba dhibic ka dib maray, wuxuuna galay kaalinta saddexaad.

Maxamed Saalax ayaa liiskan la soo saaray ka galey booska 4-aad, wuxuuna helay 26 dhibcood, wuxuuna 3 dhibcood kaga sara maray saaxiibkiis kooxda Liverpool ee Sadio Mane.

Haddaba waa kuwan 10-ka ciyaartooy ugu fiican adduunka ee Abaal-marinta FIFA THE BEST, sida ku cad dhibcaha codeyntii xalay la bixiyay:

1- Lionel Messi (Argentina-Barcelona): 46 dhibcood.

2- Virgil van Dijk (Netherlands-Liverpool): 38 dhibcood.

3.Cristiano Ronaldo (Portugal-Juventus): 36-dhibcood.

4 – Maxamed Saalax “Egypt – Liverpool”: 26 dhibcood.

  1. Sadio Mane (Senegal – Liverpool): 23 dhibcood.

6 – Kylian Mbappé “France – Paris Saint-Germain”: 17 dhibcood.

  1. Frenkie de Jong (Netherlands – Ajax iyo Barcelona): 16 dhibcood.

8 – Eden Hazard (Belgium – Chelsea iyo Real Madrid): 16 dhibcood.

9- Matthijs de Ligt: (Netherlands – Ajax iyo Juventus) 9 dhibcood.

10- Harry Kane (England – Tottenham): 5 dhibcood.

Waxaa xusid mudan in FIFA ay ku tiirsan tahay codbixinta afar geesoodka ah, in lagu doorto ciyaaryahanka ugu fiican 25% mid walba oo ka mid ah afarta qaybood ee soo socda: tababarayaasha xulalka, kabtanada xullka qaranka, weriyeyaasha ay FIFA aqoonsan tahay ee waddan kasta ah, iyo taageerayaasha.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka helay 379 dhibcood tababarayaasha, Ronaldo ayaa helay 307, halka Virgil van Dijk uu helay 289.

Cod-bixinta kabtanada xulalka qaranka, Messi wuxuu ka helay 377-dhibcood, waxaa ku xigay van Dijk oo helay 337-dhibcood, halka Ronaldo uu helay 330-dhibcood.

Codeynta saxaafada: Van Dijk ayaa helay 462 dhibcood, Messi ayaa ka danbeeyay oo helay 364 dhibcood, halk Ronaldo uu helay 264 dhibcood.

Lionel Messi ayaa uruursaday codadka ugu badan ee Taageerayaasha, wuxuuna helay 1359,928 dhibcood, waxaa ku xigay Ronaldo oo helay 96,919 dhibcood, halka Van Dijk uu isna helay 704,235 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close