Wax walba aad uga baahan tahay inaad ka ogaato xaflada caawa ka dhici doonto magaalada Milan ee lagu bixinayo abaal-marinta xiddiga sanadka ee The Best

(Milano) 23 Sebt 2019. Saacado kooban ayaa naga xigta inaan ogaano ciyaaryahanka la siin doono abaal-marinta xiddiga sanadka ee The Best, taasoo uu bixiyo Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa caawa ku qaban doono magaalada Milan ee dalka Talyaaniga xaflad si heer saro ah loo soo agaasimay, taasoo lagu bixin doono dhowr abaal-marino ee kala duwan.

Van Dijk ayaa loo caleemo saaray abaal-marinta ciyaaryahanka sannadka ee UEFA seddex isbuuc kahor, kaddib markii uu garaacay Lionel Messi iyo weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo.

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa horey u shaaciyey saddexda xiddig ee caawa oo Isniin ah ku tartami doonta abaal-marinta xiddiga sanadka ee The Best, kuwaasoo kala ah Van Dijk, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Waxaan daawan doonaa halgan cusub ee caawa ku dhex mari doono saddexdan xiddig ee Van Dijk, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo abaal-marinta xiddiga sanadka ee The Best taasoo uu bixiyo Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Dhinaca kale xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay saddexda tababare ee isagu soo haray abaal-marinta macallinka sanadka ee The Best, waxaana dhammaantood ay yihiin tababarayaal ka xamaasha horyaalka Premier League, kuwaasoo kala ah Jurgen Klopp, Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino.

Image result for Pep Guardiola Mauricio Pochettino and Klopp

Xilliga ay dhici doonto Xafladu lagu bixin doono abaal-marinada FIFA:

Xaflada ayaa ka qabsoomi doonto caawa oo isniin ah masraxa “Alla Scala” magaalada Milan ee dalka Talyaaniga, marka ay Saacadu tahay 9:30 ee Geeska Africa.

Qaabka Codeynta:

Ku guuleystaha abaalmarinta “The Best” waxaa lagu dooran doonaa iyadoo loo tixraacayo codbixinta kabtanada xullka qaranka, tababarayaasha kooxaha, iyo sidoo kale weriyeyaasha ay FIFA aqoonsan tahay ee waddan kasta ah, waxaa sidoo kale codeyntan qeyb ka noqon doono taageerayaasha, afarta qaybood mid walbana wuxuu helayaa 25% ee hanaanka xulashada ah.

Abaal-marinada ugu muhiimsan ee caawa la bixin doono ayaa waxay kala yihiin:

Xiddiga ugu fiican sanadka.

Xiddigta ugu fiican sanadka.

Macallinka ugu fiican sanadka.

Macallimada ugu fiican sanadka.

Goolhayaha ugu fiican sanadka.

Abaal-marinta Puskas ee ah goolka ugu Fiican.

Abaal-marinta Ciyaar wanaaga.

Abaal-marinta taageerayaasha ugu fiican.

Abaal-marinta shaxda kooxda ugu ffiican.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close