“Waa inaad shaqo badan qabataa” – Mourinho oo dhaleeceeyay Maxamed Saalax

(England) 23 Sebt 2019. Tababarihii hore kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa dhaleeceeyay xiddiga Liverpool ee Maxamed Saalax, kaddib dadaal yaridii uu sameeyay daqiiqadihii ugu dambeeyay kulankii ay la ciyaareen Chelsea.

Liverpool ayaa xalay guul muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa in Maxamed Saalax, 10-kii ama 15-kii daqiiqo ee ugu dambeysay kulankii Chelsea, ay aheyd in dadaalkiisa uu intaas ka sii badiyo”.

“Waxay ahayd in xoogaa uu ka caawiyo Alexander-Arnold dhanka garabka midig, kaddib Arnold wuxuu inbadan ka ciyaari karaa gudaha, isla markaana Roberto Firmino uu xoogaa gadaal u soo laabto”.

“Marka aad gaarto xilligan oo aadan awood u laheyn inaad dhaliso goolka saddexaad, markaa waa inaad si fiican u difaacdaa, si aad u sii ilaashato natiijada ciyaarta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close