Sidee loo kala hoggaaminayaa haatan gooldhalinta horyaalka Premier League ee Waddanka Ingiriiska?

(England) 23 Sebt 2019. Kulamadii 6-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2019-20 ayaa la ciyaaray, iyadoo uu hoggaanka gooldhalinta horyaalka uu la wareegay Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Agüero, kaasoo leh 8 Gool.

Da’yarka ka tirsan kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa ku jira kaalinta labaad kaasoo illaa iyo hadda dhaliyey 7 gool.

Temmu Pakki oo ka tirsan Norwich City ayaa isaguna sanadkan wacdaro dhigay kaa leh 6 gool si la mid ah Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang oo isaguna dhaliyey lix gool.

Waxaana shanta sare ee hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka Premier League kulammada lixaad waxaa ku jira dhaliyaha kooxda Man City ee Raheem Sterling.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shanta ciyaaryahan ee ugu sarreeya haatan gooldhalinta horyaalka Premier League illaa haatan:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close