RASMI: Jurgen Klopp oo ku guuleystay abaal-marinta tababaraha sanadka ee FIFA The Best

(Milan) 23 Sebt 2019. Macallinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku guuleystay abaal-marinta macallinka sanadka ee The Best oo uu bixiyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA, taasoo caawa lagu qabtay Magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Klopp oo 52 sano jir ah ayaa ka mid ahaa saddexda macallin ee ku tartamayey abaal-marintan waxaana uu abaal-marintan macallinka sanadka ee The Best uu ku garaacay macallinka Manchester City ee Pep Guardiola iyo Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Liverpool ayaa garaacday Spurs Final-kii Champions League oo ay ku guuleysteen, waxaana ay kaalinta labaad ka galeen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2018-19.

The Reds ayaa sidoo kale guuleystay dhammaan lixdii kulan oo ay ciyaartay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan bilowga ah ee 2019-20.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close