Ramos oo ka hadlay suurtogalnimada uu Mourinho ku noqon karo baddelka Zidane

(Madrid) 23 Sebt 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos aaya ka hadlay suurtogalnimada uu macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho uu markale dib ugu soo laaban karo tababarka Los Blancos.

Magaca Jose Mourinho ayaa lala xiriirinayay kooxda Real Madrid kaddib natiijooyinka liita ay la timid Los Blancos uu hogaaminayo Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa xalay guul muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Sevilla garoonkeeda Ramon Sanchez Pizjuan, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-1, kulankooda 5-aad horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Haddaba Sergio Ramos aaya ka hadlay suurtogalnimada uu macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ku noqon karo badelka Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Waxaa nahay dhanka Zidane inkastoo aan ka war qabno natiijooyinkii la soo dhaafay”.

“Ka hadalka tababarayaasha waa ixtiraam la’aan, Waa inaan cagaheena dhulka ku haynaa sababtoo ah waxaan ognahay in tani ay aad u dheer tahay”.

Waxaa xusid mudan in Jose Mourinho shaqsi ahaan uu iska fogeeyay arrintaan wuxuuna carabka ku adkeeyay ixtiraamka uu u hayo joogitaanka Zidane ee shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close