Kahor kulanka habeen dambe ee Brescia, Maurizio Sarri oo helaya war aan fiicneyn

(Turin) 23 Sebt 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus ee Maurizio Sarri ayaa ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay maanta oo Isniin ah kahor kulanka ay habeen dambe oo Talaadada ah ay ku booqan doonaan Brescia horyaalka Seri A, in Cristiano Ronaldo uu soo gaaray dhaawac.

Waxaa la shaki galinayaa in Cristiano Ronaldo uu qeyb ka noqon doono xiddigaha Maurizio Sarri uu kala hor tagi doono kulanka ay habeen dambe ku booqan doonaan kooxda Brescia garoonka Mario Rigamonti.

Maurizio Sarri oo ka soo muuqday shir jaraa’id ayaa la weydiiyay su’aal aheyd haddii uu Cristiano Ronaldo nasiino u diri doono kulankan wuxuun ku jawaabay:

عرض الصورة على تويتر

“Waa inaan sugnaa, dhibaato yar ayaa haysata Cristiano”.

Maurizio Sarri ayaa sarre u qaaday dareenka ka dhex jira jamaahiirta kooxda Juventus ee ku aadan xaalada Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu xaqiijiyay dhaawaciisa:

“Ronaldo wuxuu qabaa dhibaatooyin la xiriira dhanka murqaha ah, waa daal yar waana wax iska caadi ah, kaddib markii uu ciyaaray dhowr kulan hal toddobaad, laakiin wax walba maanta ayeey kala cadaan doonaan baaritaanada caafimaad kaddib”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close