Zidane oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Sevilla… (Imisa Xiddigo Muhiim Ah Ayaa Ka Maqan?)

(Madrid) 22 Sebt 2019. Tababare Zinedine Zidane wuxuu daaha ka rogay liiska 19 ciyaartooy uu ula safri doono kulanka horyaalka La Liga ay caawa booqan doonaan kooxda Sevilla.

Kooxda Sevilla ayaa soo dhoweynaysa caawa naadiga Real Madrid, iyadoo indhaha taageerayaasha caalamka oo dhan ay ku sii jeedi doonaan garoonka Ramon Sanchez, kaasoo ka dhici doono kulanka ugu adag toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Kulankan ayaa aad muhiim ugu ah kooxda Real Madrid, iyadoo haddii ay caawa guul gaarto ay la wareegi doonto hogaaminta horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Waxaa liiskan lagu arkay oo dib ugu soo laabtay kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, kaddib markii uu seegay kulankii Champions League ay la ciyaareen Paris St Germain.

Laakiin waxaa liiskan ka mqan xiddigaha Luka Modrić iyo Marcelo, inkastoo uu ka qeyb qaatay tababarka kooxda subaxnimadan, laakiin waxay u muuqataa in shaqaalaha tababarka ay go’aansadeen inaysan halis gelinin ciyaaryahanka kulanka caawa.

Haddaba liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Sevilla oo dhameystiran ayaa ah sidan:

عرض الصورة على تويتر

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close