“Waxaan ahayn kuwa aan wax naxariis ah lahayn kulankii Watford” – Pep Guardiola

(Manchester) 22 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii weyneyd ay shalay kaga gaareen naadiga Watford horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa xasuuq ba’an u geysatay kooxda Watford, kaddib markii ay ku garaacday 8-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee ka dhacay Etihad Stadium.

Kooxda Skay Blue ayaa ku dhalisay 5 gool wax ka yar 20-kii daqiiqo ugu horeysay qeybtii hore ee ciyaarta, kahor inta aysan 3 gool kale dhalinin qeybtii labaad ee dheesha.

Pep Guardiola oo farxad ka muujiyay guushii weyneyd ay ka gaareen kooxda Watford ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay:

“Waa mid ka mid ah waxyaabaha aan aadka u jeclahay, waxayna dhacday ciyaartan, kooxda inakastoo ay ku soo laabatay qeybta labaad ee ciyaarta iyagoo ku hogaaminaya 5 gool, hadana ciyaaryahan walba ma uusan ka fikirin naftiisa, qof walba wuxuu diirada saarayay waxa waajibku ahaa inuu sameeyo”.

“Waxaan bahalo u aheyn si xoogan, taasina waa sababta aan ugu qancay qaab ciyaareedkeena qeybta labaad, halkaasoo aan ku dhalinay goolal badan, si wanaagsana aan u ciyaarnay”.

“5 gool kaddib ciyaarta ayaa gabi ahaanba iska badashay sidii hore, waxaan aheyn kuwo naxariis la’aan ah, mararka qaar waxaan aheyn kuwa kubadda shuuda 15 ama 20 jeer”.

“Waxay ahayd maalin u qurux badan dhamaanteen iyo taageerayaasheena ku sugnaa qorraxda” ayuu hadalkiisa ku soo xiray macalinka reer Spain ee Pep Guardiola.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close