“Waxaa jira dad doqomo ah” – Cristiano Ronaldo oo ku jees-jeesay Taageerayaasha Atletico Madrid

(Turin) 22 Sebt 2019. Cristiano Ronaldo ayaa qiray in kooxdiis Juventus ay dhibaato weyn kala kulantay si ay guul kaga gaarto kooxda Verona.

Juventus ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Verona garoonkeeda Allianz, kaddib markii ay ku garaacday 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sport” ee dalka Talyaaniga kaddib kulankii Verona ayaa wuxuu ku sheegay:

“Waxa noogu muhiimsan ayaa ah in Juventus ay guuleysatay, runtii waxaan aheyn kuwo daalan kaddib toddobaadkii tartanka Champions League “.

“Daalka waa mid iska caadi ah, sababtoo ah wuxuu yimid kaddib safarkii aan galnay Kulankii aan la ciyaarnay Atletico Madrid, wuxuu ahaa sidoo kale kulan aad u adag, waxaana awoodnay inaan barbaro galno”.

Ronaldo ayaa waxaa wax laga weydiiyay ficilkii murunka dhaliyay uu ku hor sameeyay taageerayaasha Atletico Madrid, kulankii ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano wuxuuna ku jawaabay:

“Dadka waxay jecel yihiin inay ka hadlaan waxyaabo aan macquul aheyn, waxaa jira dad badan oo doqomo ah”.

Yeelkadeeda, waxaa xusid mudan in kooxda Juventus ay kala soo laabatay caasimada Madrid bar-baro 2-2 ah, kulankooda furitaanka heerka group-yada ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close