Real Madrid oo guul muhiim ah ka soo gaartay kooxda Sevilla oo ay booqatay… +SAWIRO

(Sevilla) 22 Sebt 2019.  Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Sevilla garoonkeeda Ramon Sanchez Pizjuan, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee kulankii ugu adkaa toddobaadkan horyaalka La Liga ayaa lagu kala maray 0-0.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay sameeyeey qaab ciyaareed fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad kooxda martida aheyd ee Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay weeraryahankeeda reer France ee Karim Benzema oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Dani Carvajal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda Real Madrid oo ciyaartan marti ku aheyd garoonka Sevilla ee Ramon Sanchez Pizjuan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close