Manchester United oo guuldaro niyad-jab leh kala soo kulantay kooxda West Ham … +SAWIRRO

(London) 22 Sebt 2019. Kooxda West Ham ayaa guuldaro niyad-jab ah ku baday Manchester United garoonkeeda London Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee West Ham.

Daqiiqadii 44-aad kooxda West Ham ayaa hogaanka u qabatay dheesha iyadoo uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Andriy Yarmolenko, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Felipe Anderson

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay sameeyeey qaab ciyaareed fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 84-aad Aaron Cresswell ayaa soo gabagabeeyay ciyaarta wuxuuna ka dhigay 2-0 oo ay ku gacan sareysay kooxda West Ham.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee West Ham.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close