Horudhaca: Kulanka ugu adag Toddobaadkan horyaalka La Liga ee dhex mari doono Kooxaha Real Madrid iyo Sevilla

(Sevilla) 22 Sebt 2019. Kooxda Sevilla ayaa soo dhoweynaysa caawa naadiga Real Madrid, iyadoo indhaha taageerayaasha caalamka oo dhan ay ku sii jeedi doonaan garoonka Ramon Sanchez, kaasoo ka dhici doono kulanka ugu adag toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa dooneysa inay markale dib ugu soo laabato wadada guusha, kaddib guuldaradii niyadjabka aheyd ee ka soo gaartay kooxda Paris Saint-Germain tartanka UEFA Champions League, halka Sevilla ay dooneyso in saddexda dhibcood ay ku qaadato garoonkeeda, isla markaana ay u sii wado dagaalka ay ugu jirto dhanka hogaanka horyaalka La Liga.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga.

Kooxaha:  Sevilla vs Real Madrid.

Taariikhda: Axad, 22 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Juan Martinez Munuera (Spain)

Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan

Wararka Kooxaha:-

Sergio Reguilon oo Madrid ka soo dhaqaaqay ayaa qaab amaah ah ugu ciyaaraya kooxda Sevilla, laakiin ma jiro wax shuruud ah oo ku xusan qandaraaska ee ka hor istaagaya inuu ciyaaro kulankan, taasoo la micno ah in xiddiga reer Spain la filayo inuu wajaho kooxda milkiyadiisa leh toddobaadkan.

Luka Modric ayaa mar kale la filayaa inuu dhaawac muruqa ah ku seegi doono ciyaartan, halka sidoo kale Isco ay u badan tahay inuu isna ka maqnaado ciyaartan, maadaama uu wali ku gudi jiro marxaladii ugu dambeeysay uu kaga soo kabanayo dhaawacii uu ka qabay dhanka muruqa.

Marcelo ayaa sidoo kale shaki ku jiraa maadaama uu qabo dhaawac dhanka qoorta ah , taasoo la micno ah in Ferland Mendy uu kusii nagaan karo daafaca dhanka bidix ee kooxda Los Blancos.

Xiddiga Marco Asensio ayaa halkiisa ka sii wadan doono inuu ku maqnaado dhaawacii halista ahaa uu ka qabay dhanka Jilibka, laakiin Brahim Diaz ayaa kasoo laabtay dhaawacii uu ka qabay dhanka gumaarka waxaana laga yaabaa inuu keydka ku soo bilowdo kulanka Seville.

Maqnaanshaha Federico Valverde ayaa la micno ah in James Rodriguez ay u badan tahay inuu kusii nagaado qadka dhexe, laakiin Zidane ayaa dib u helaya adeegyada labada daafaca ee Nacho iyo Sergio Ramos, kuwaasoo ganaax ku seegay kulankii PSG.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Sevilla ayaa gaartay shabaqa kooxda Real Madrid 17-kii kulan ugu dambeysay ay kula ciyaartay garoonkeeda Ramon Sanchez, waxay guul gaartay 11 jeer, waxaa laga badiyay 5 jeer, halka kulana ay barbaro galeen.

>- Real Madrid waa kooxda goolasha ugu badan kaga dhaliyay Sevilla taariikhda horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxayna ku guuleysatay in ilaa iyo haatan ay ka dhaliso 113 gool.

>- Real Madrid ayaa laga badiyay 11 ka mid ah 18 jeer oo ay booqdeen garoonka Ramon Sanchez horyaalka La Liga qarniga 21-aad, waxay guul gaareen 6 jeer iyo hal barbaro ah, waana in ka badan garoon kasta oo ay booqdeen tan iyo bishii Janaayo ee 2001.

>- Tan iyo soo laabashadii Zinedine Zidane ee Real Madrid, kooxda ayaa guuleysatay kaliya hal jeer 7-dii kulan ugu danbeysay oo ay marti noqdeen horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxaana kulankaas ka adkaatay Celta Vigo.

>- Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa 8 gool kaga dhaliyay Sevilla horyaalka La Liga isagoo sameeyay 8 caawin kale, waana in ka badan inta uu ku hor sameeyay kooxaha kale.

>- Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa 7 gool kaga dhaliyay kooxdiisii hore ee Sevilla tartamada oo dhan, 4 horyaalka La Liga ah, 1 Copa del Rey, 1 Spanish Super Cup ah, iyo 1 UEFA Super Cup ah.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Sevilla XI: Vaclik; Navas, Carlos, Carrico, Reguilon; Jordan, Fernando, Banega; Torres, Jong, Ocampos

Real Madrid XI: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; James, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Hazard

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close