Conte oo sharaxaad ka bixiyay sababta ka dambeysay guushii ay xalay kaga gaareen Milan kulankii Derby di Milano

(Milano) 22 Sebt 2019. Tababaraha kooxda Inter Milan Antonio Conte ayaa sharaxay sababta kooxdiisu ay guusha kaga gaartay dhigooda AC Milan kulankii adkaa Derby di Milano ee horyaalka Serie A.

Kooxda Inter ayaa guul muhiim ah ay u baahneyd kaga gaartay dhigeeda Milan kulankii adkaa ee Derby di Milano, kaddib markii ay ku garaacday 0-2, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Antonio Conte ayaa kaddib guushii ay AC Milan kaga gaareen kulankii xalay ee Derby di Milano wuxuu saxaafada u sheegay:

“Waxaan si aad ah u shaqeeneynay labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaa jiray dhibaatooyin qaar, ciyaartoyda qaar ayaa waxay kooxda soo gaareen waqti dambe, dalka qaarkoodna ay goor dambe ka tageen”.

“Hadda waxaan heysanaa fikrad kubadda cagta ah, waxaan haynaa fikrada ah hal koox, sidaan horey u sheegayba hogaamiyaha wuxuu yeelan karaa qorshooyin, laakiin wuxuu u baahan yahay ciidamo fuliya amaradiisa, sidaas darteed waxaan ahay mid nasiib badan maadaama aan heysto shaxda kooxdan”.

“Kulanka Derby-ga marwalba waa mid qaas ah, gaar ahaan marka ay labada kooxood yihiin kuwo camaaliqo ah sida Inter iyo Milan, labada dhinacba waxay soo bandhigeen kulan fiican”.

“Waxaan guuldareysanay kulankii Champions League, waxayna naga caawisay inaan ku soo galno kulanka Derby di Milano sida ugu fiican, waa guul aan u qalanay, waan ku faraxsanahay taageerayaasheena, sababtoo ah kulanka Derby-ga wuxuu ahaan doonaa Derby”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close