Arsenal oo guul soo laabasho ah kaga gaartay Aston Villa Emirates Stadium … + SAWIRRO

(London) 22 Sebt 2019.  Kooxaha Arsenal ayaa guul soo laabasho ah kaga gaartay Aston Villa Emirates Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2 , kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee kulankii ugu adkaa toddobaadkan horyaalka Premier League ayaa lagu kala maray 0-1.

Daqiiqadii 20-aad Aston Villa ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana dheesha 0-1 ka dhigay John McGinn, waxaana goolkan ka caawiyay Anwar El Ghazi.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay sameeyeey qaab ciyaareed fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badalay Nicolas Pepe oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Laakiin daqiiqadii 60-aad Aston Villa ayaa markale hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 dheesha ka dhigay Wesley oo caawinta goolka ka helay saaxiibkiis Jack Grealish.

Daqiiqadii 81-aad markale Arsenal ayaa heshay goolka barbaha waxaana 2-2 ciyaarta ka dhigay Calum Chambers.

Laakiin daqiiqadii 84-aad Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ciyaarta ka dhigay 3-2  oo ay markan hogaanka ugu qabatay dheesha kooxda Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-2 ay guusha ku raacday kooxda Arsenal oo soo laabasho cajiib ku sameysay garoonkeeda Emirates.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close